Maayarka Hargeysa oo Magacaabay Gudida Ka soo Kabashada Masiibadii Suuqa Waaheen

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda, ayaa magacaabay Gudida ka soo kabashada masiibadii ka dhacday Suuqa Waaheen.

Guddidan oo ka kooban 9 Xubnood, waxa uu Maayarku sheegay inay ka shaqayn doonaan dhammaan arrimaha Suuqa Waaheen iyo xidhiidhada cidda kala shaqaynaysa.

Qoraalka Maayar Mooge ku magacaabay Guddidan, ayaa u qornaa sidan:-
“Anigoo ka Duuliya Xilka Golaha Deegaanka sida uu dhigayo Xeer Lr23/2019 Qodobkiisa 40aad Farqadiisa 4aad,5aad,6aad iyo 7aad oo ka Hadlaysa Doorka Dawladda Hoose ay ku leedahay ka jawaabida Aafooyinka Dabiiciga ah,kormeerka dhismayaasha,Asaasida  Suuqyada ,kaabayaasha dhaqaalaha iyo baahida wakhti Xaadirkan loo qabo in laga jawaabo masiibadii dabka ahayd ee baabi’say suuqii waynaa ee Waaheen oo sababay in muwaadiniin badani ku caydhoobaan.

Sidaa Daraadeed,aniga oo ka duulaya arintaasi sare ku xusan.
Waxaan maanta oo ay Bishu Tahay 26/4/2022  magacaabay gudi u gaar ah oo ka shaqaysa dhamaan arimaha suuqa Waaheen iyo Xidhiidhada Cid kasta oo lagala shaqaynayo dhibtii ka dhacday suuqa waaheen.
Magacyada gudiguna waa sidan Hoos ku Xusan.

1. Aadan jaamac xaddi (Mideeye) Gudoomiye.
2. Yaasiin Cumar Cabdi (G.ku Xigeen).
3. Siciid Nuur Jaamac    (Xoghaye).
4. C/Risaaq Maxamed Faarax ‘Wiiwaa’ (Xubin).
5. Jamaal Cismaan C/laahi ( Xubin).
6. Xuseen Ibraahim Askar    (Xubin).
7.  Axmed Yoonis Aadan      (Xubin).
8. C/Raxmaan C/laahi Fidaar (Xubin).
9. Khadar Yuusuf Cali             (Xubin).

Ugu Damabayn,waxaan Rajaynayaa in Xubnaha Gudida kor ku Xusan in ay Xilkooda u Gutaan si Hufan.
Dadkoodana ay ugu adeegi doonaan si cadaalad ah oo waafaqsann shuruucda Dalka JSL.

Allaa Mahad Leh.

FG: Warqadan Magacaabista ahi waxa ay Soo Baxday 26.4.2022 waxaana la Baahiyay Maanta oo ah 4/May/2022.

Abdikariin Ahmed Mooge.
Duqa  Caasimadda Hargaysa Ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargaysa.