Guddida Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la magacaabay

MUQDISHO —(Berberanews-Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya – Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdillaahi – ayaa magacaabay guddiyo isku dhafka ah oo diyaarin doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa ka kooban 17 xubnood, kuwaas oo 11 ka mid ah ay ka imanayaan Golaha Shacabka, halka lixda kalena Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo shir guddoomiyey kulanka guud ee Golaha oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen, ayaa soo saaray 8 ka mid ah 10-ka xubnood ee Golaha Shacabka uga mid noqonaya Guddiga, kuwaas oo kala ah:

1- Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2- Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3- Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar.
4- Xildhibaan Maxamed Axmed (Beerey)
5- Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.
6- Xildhibaan Maxamed Cumar (Caananuug).
7- Xildhibaan Cumar Yuusuf Khaalib.
8- Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Guddoomiyaha ayaa sheegaya in saddexda xubnood ee kale ee harsan uu gadaal kasoo magacaabi doono saacadaha soo socda.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isna magacaabay lixda xubnood ee Aqalka Sare ku mataleysa guddiga, iyo maamullada ay ka kala imanayaan, kuwaas oo kala ah:

1- Cali Maxamuud Gacal (Koonfur Galbeed)
2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)
3- Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)
4- Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug)
5- Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland)
6- Samsam Cabdullaahi Axmed (HirShabeelle)

Xubnahan ayaa lagu wadaa inay diyaariyaan qabashada doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo dabayaaqada bishan May.