Musharrax Cirro oo bogaadiyey warbaahinta Somaliland Xuska Maalinta Saxaafadda Adduunka

“Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahineed ee ka howlgala Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Aduunka #WorldPressFreedomDay2022 oo ku beeggan 3da May ee sannad kasta, innaga oo maanka ku haynna in warbaahintu tahay Awoodda Afaraad ee dunida ka jirta, dalalka dimoqraadigana u ah xuddunta isbeddellada shacbigu hoggaaminayo.

Warbaahinta Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu majiiranayaa kaalintii ay ku lahaayeen dalka xilligii xornimo u dirirkii, xilligii dib u xoreyntiisii iyo dib u dhiskiisa lagu jiray, kaalinta ay maanta ku leeyihiin hannaankii koboca dimoqraadiyadda iyo doorashooyinkii oo idil, iyo ugu dambeyntii kaalmaha laxaadka leh ee ay kaga qaybqaataan masiibooyinkii iyobmaqaadiiraha dhacaya.

Sida la wada ogyahay, warbaahinta xorta ah waxa ay ka mid tahay halbeegyada caalamiga ah ee lagu cabbiro dimuq6raadiyadda iyo xorriyatul-qowlka ka jira dal kasta, waxayna kaalin culus ku leeyihiin iibgeynta dalalka aan la aqoonsaneyn sideenna iyo dalalka soo koraya intaba.

Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa wax laga xumaado ah, isla markaana ceeb iyo cambaareyn ku ah tacadiyada joogtada ah ee loo geysanayo suxufiyiinta iyo hay’adaha ’adaha warbaahinta madaxabannaan oo ay ugu dambeysay falkii foosha xumaa ee lagu xidhay in ku dhow labaatan suxufi, isla markaana ilaa hadda ay u xidhan yihiin saddexda suxufi ee kala ah, suxufi Maxamed Cabdi Sheekh, suxufi Cabdijaaar Maxamed Xuseen iyo suxufi Cabdiraxmaan Cali Khaliif.

Ugu dambeyn, waxa aan warbaahinta madaxbannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa in ay doorkooda shariifka ah ka qaataan midnimada iyo wadajirka ummadda, wacyigelinta bulshada, gurmadka iyo istaakuleybya xilliyada mashaqooyinka, aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamku sababaan-ba ay dhacaan, isla markaana u dhabar adeygaan falalka sharci-darrada iyo hagardaamooyinka ay Xukuumadda KULMIYE kula kacayso suxufiyiinta madaxabannaan iyo hay’adaha warbaahinta inta ay imaneyso Xukuumadda WADDANI ee ka dhalan doonta dareenka shacabka iyo doonista dadweynaha ee 13ka November 2022.”