Rooble oo xaqiijiyey in aannu xilligan isu sharraxayn Madaxweynaha Somalia

MUQDISHO —(Berberanews)-Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Maxamed Xuseen Rooble, ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyey in aannu haatan ka qaybgeli doonin tartanka doorashada xilka madaxweynaha oo la filayo inay dhowaan dhacdo.

Ra’iisal-wasaaraha, ayaa sheegay inuu leeyahay hammi siyaasadeed, balse xilligan aannu u tartamayn xilka madaxweynaha, isaga oo xusay in daruufaha ka jira dalka Soomaaliya waqtigan darteed uu go’aankaas qaatay.
Rooble ayaa go’aankan ku sheegay farriin ku saabsan hambalyada ciidda oo uu u diray shacabka Soomaaliya maanta.