Maxaad ka og tahay quruxda ay leedahay dib u guursashada xaaskaagii hore?

Guurku waa dhaqan diineed, waana arrin sharaf iyo karaamo u ah dadka oo dhan, maalqabeen iyo faqiir.

Ku dhaqanka guurka badan ee dadka diinta Islaamku waa mid la aqbali karo, laakiin dhaqan ahaan waxaa jira bulshooyin aan agtooda laga jeclayn guurka badan.

Boqorka Swaziland ayaa waxa uu leeyahay 11 xaas oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ay soo doorteen xildhibaanada golaha deegaanka.Taasoo ka dhigan in dhaqaankaasi aanu ahayn mid qalaad bulshada Afrikaanka ah dhexdeeda. Laakin hadda arrinta ku saabsan in ninku xaaskiisii guursado mar kale wax ka badan hal mar ayaa ah arrin bilow ah.

Sida lagu sheegay daraasad ay samaysay Arizona Family Law Lawyers USA, 6% lamaanaha la furay ayaa dib isu guursada.

Si kastaba ha ahaatee cilmi baadhis ay samaysay xarunta cilmi baadhista ee Pew ayaa muujisay in dadka da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 44 iyo 45 iyo 54 aanay isla markiiba dib ugu soo laaban guurka ka dib marka ay kala tagaan lammaanahooda.

Laakiin boqolkiiba dadka dib u guursada ama dib isuu guursada waxay u kordheen dadka da’doodu ka weyn tahay 55 da’doodu oo boqlley ahaan ah 55% ilaa 67%.

Samaynta xidhiidh cusub ma aha hawl fudud, gaar ahaan marka la kala tago, taas oo laga yaabo in ay kugu kaliftay in aad dareen ahaan isu beddesho.

Ku noqoshada xaaskaaga hore waqti dheer kuma qaadan doonto sababtoo ah waad taqaanaa, umana baahnid la qabsi cusub waayo waa qof aad u taqaan dabeecadahiisa.

“Qaar badan ayay ku adag tahay inay xidhiidh cusub sameystaan, dhaqamadii hore ee lamaanayaashoodii hore waxay soo celiyaan xusuusta muhiimka ah ee sahlaysa soo celinta xiriirkooda iyo guurkood’, ayuu yidhi Khabiirka Horumarinta Bulshada Raphael Kugesha, oo ah khabiir ku takhasusay horumarinta bulshada.

Lamaanayaasha caruur isu leh, ayaa la sheegay inay ka wanaagsan yihiin inay is guursadaan marka ay kala tagaan markale, marka loo eego kuwa aan waxba isy dhalin. Mariam John, oo ka tirsan Tabora, oo ninkeeda furay muddo sannad ah kahor ka dib markii ay la noolayd in ka badan 10 sano oo ay isu dhaleen laba gabdhood, ayaa sheegtay in aanay ahayn hawl fudud in dib loo bilaabo guurkaas.

“Markii lamaanahaygii ay dhahday arrinkeenni hore wuu inala xumaa, waan isku soo laabannay si aan caruurtayada u korino, waxa ay noqotay arin sahlan in go’aan la gaahdo, dib ayaan su guursanay, hadana waxaan leenahay in ka badan 20 sano oo guur” ayuu ninkalena sheegay

Ma fiican in mar labaad la is guursado?

Ma jirto jawaab toos ah, marka la eego daraasado yar oo arrintan laga sameeyay.

Laakiin BBC-da ayaa Mariam John weydiisay, in ay ku laabato ninkeeda oo ay ogolaato in ay dib u guursato ma arin wanaagsan baa dhankeeda mise wax kale.

“Waxay ku xidhan tahay marba jawiga, laakiin aniga waxay ii tahay wax wanaagsan oo aanan ka qoomameeynin,” ayay tiri Mariam, iyadoo raacisay: “Quruxda iyo faa’iidada waa inaad is taqaanid, isjeclaatid, iyadoo kuwa is jecel ay dib u soo nooleeyaan jacaylkooda”

@Bbc Somali