Masuul xil ka haya UK oo kasoo jeeda Somaliland ayaan taageeray Israel

“Israel waxay xaq u leedahay inay is dicaafdo” Gudd Xigeenka Conservative-ka Uk oo Somaliland kasoo jeeda

Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Conervative-ka ee Boqortooyada Ingiriiska Maxamed Cali oo ka soo jeeda Somaliland ayaan taageero u muujiyay Yuhuudda Xasuuqa ku haysa shacabka Falastiin.

Maxamed oo muddo dheer u doodayay  iskaashiga diimaha Muslimiinta iyo Yuhuudda ee UK ayaa daawaday muuqaal 47 daqiiqo ah oo ku saabsan weerarka, wuxuuna booqday magaalooyinka Israa’iil.

QaxoontigaN reer Somaliland ee ka tirsan Muxaafidka UK: Cali ayaa Israa’iil u sheegay ‘Waan idin garab taaganahay’ Israa’iil “waxay xaq u leedahay inay is difaacdo, waxaana u baahanahay inaan ka takhalusno kansarkan Xamaas,” ayuu yidhi Cali sida uu qoray Wargeyska Juresalam Post