Dawladda Itoobiya oo ka hadashay rabshado diimeed hadheeyey Addis Ababa

Addis Ababa  -(Berberanews)-Xafiiska Isgaadhsiinta Dawladda Itoobiya, ayaa sheegay rabshado ka dhacay caasimadda Addis Ababa iyo magaalooyin kale kadib salaaddii ciidda ee maanta inay ka dambeeyeen waxa uu ugu yeedhay cadowga tariikhiga ah ee dalka iyo kooxo cadowgaas la shaqeeya oo gudaha Itoobiya ka abaabulan.

Bayaan xafiisku ka soo saaray rabshado xooggan oo hadheeyey Addis Ababa maanta, ayaa lagu sheegay in xoogag isu bahaystay inay ishortaagaan isbeddelka dalka Itoobiya ka socda ay diimaha dadka ugu soo gabbadaan.

Waxa kale oo bayaanka lagu shaaciyey in khasaare nafeed oo ka dhashay rabshadahaaa aannu jirin, balse hanti badan ku burburtay.
“Dawladda waxa ka go’an inay ka hortagto fal kasta oo loo soo maraya diimaha, dhaqanka iyo wada noolshaha bulshada oo lagu doonayo in amniga dalka lagu khalkhaliyo,” ayaa lagu yidhi warka xafiiska Isgaadhsiinta Itoobiya ka soo baxay.

Xafiisku waxa uu mahadnaq ballaadhan u jeediyey muslimiinta caasimadda Addis Ababa ee isugu yimi si ay u tukadaan salaadda Ciiddal-fitrida, isagoo sidoo kalena bogaadiyey muslimiinta nabadda jecel sida ay laamaha ammaanka ugala shaqeeyeen xakameynta rabshadahaas si aanay u sii fidin.