Booliska Addis Ababa oo sun u adeegsaday Muslimiin mudaharaad dhigay

Ethiopia-(Berberanews)-Ciidamada amaanka magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dad badan oo muslimiin ah oo isugu soo baxay Maalinta Ciiddal-fidriga.

Tobanaan kun ayaa salaadda ciidda ku tukanayay garoonka weyn ee magaalada markii rabshaduhu ka dhaceen.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay. Dhacdadan ayaa timid ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay sii xoogeysaneysay xiisada u dhaxeysa Muslimiinta iyo Kiristaanka ee ka taagan qeybo kala duwan oo dalkaasi ka tirsan kadib markii 20 qof oo Muslimiin ah la dilay xilli ay ka qeyb galayeen aas todobaadkii hore ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

Kadib dhacdadii ka dhacday magaalada Gonder, waxaa dhowr meelood ka dhacay dibadbaxyo iyo weeraro aargoosi ah oo ay ku jiraan ugu yaraan saddex kaniisad oo lagu gubay koonfurta Itoobiya.

Rabshadihii Isniintii ka dhacay caasimadda ayaa laga yaabaa inay sii kordhiyaan xiisadda.

Sawirrada dadka ka cararaya sunta dadka ka ilmeysiisa iyo hooyooyin raadinaya carruurtooda ayaa si weyn loogu faafinayaa baraha bulshada.

Bilayska Addis Ababa ayaa ku eedeeyay “shakhsiyaad kooban” inay ka danbeeyeen rabshadaha waxayna sheegeen in hanti la burburiyay.

Waxay wacad ku mareen in ay baadhitaan dhab ah ku sameyn doonaan.

Dalka waxaa horay u kala qaybiyay dagaal sokeeye oo ka dhacay waqooyiga gobolka Tigray iyo rabshado qowmiyadeed qaybo badan oo dalka ah ka dhacay.