Axmed Karaash: “Waan kala yaacaynaa haddii lagu dhaqmi waayo dastuurka Puntland”

Garoowe -(Berberanews)-Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay Puntland inay kala tagayso haddii aan lagu dhaqmin oo la tixgalin dastuurka lagu heshiiyey.
Hadalkan ayuu ula jeeday Madaxweyne Siciid Deni oo dhowaan diiday magacaabis uu sameeyey Axmed karaash.

“Buug yaroo calaacashayda le’eg ayaa dadkaas oo dhan isku keenay. Kaas inaan ku dhaqanno oo wuxuu na farayo adeecno baa loo baahan yahay, oo isagaa caddaaladdu ku jirtaa, haddii kaas la waayo, waan kala yaacaynaa,” ayuu yidhi Karaash.

Axmed Karaash ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Deni, isagoo sheegay Puntland in aanay ahayn meel tuurta lagu qaan karo sida buraashada biyaha oo kale, isagoo xusay in dantu ku jirto in la tixgaliyo waxa lagu heshiiyey.

Hadalkan ayuu madaxweyne ku xigeenka Puntland ka sheegay khudbad uu salaaddii ciidda meel fagaare ah uga jeediyey boqollaal shacab ah iyo masuuliyiin dowladeed magaalada Garoowe saaka.

Deni iyo Karaash ayaa isku haya khilaaf dhinaca awoodda ah.
Axmed Karaash ayaa hore u sheegay inuu la wareegay masuuliyadda awoodeed ee Puntland, kadib markii Deni uu tegay Muqdisho, iskuna sharraxay madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa diiday arrintaas, isagoo ka horyimid dhammaan wareegtooyin magacaabis ah uu ku xigeenkiisu sameeyey bishii April.