UK: Xildhiban is casilay ka dib markuu caadaystay daawashada filimo xunxun

Uk-(Berberanews)-Neil Parish ayaa BBC-da u sheegay in uu iska casilayo xubinimada baarlamaanka ka dib markii uu qirtay in uu labo jeer ka daawaday muuqaallo qaawan gudaha baarlamaanka.

Mr Parish, oo Tiverton iyo Honiton u matalay Devon tan iyo 2010, ayaa sheegay in ay ahayd “daqiiqad waalli ah”.

Waxa uu sheegay in markii ugu horreysay ay ahayd shil ka dib markii uu eegay website-ka muuqallada galmada lagu baahiyo, laakiin markii labaad – ee Aqalka Baarlamaanka – ay ahayd ula kac.

Xisbiga Konserfatifka ayaa shaqada ka joojiyay Jimcihii eedaymaha loo soo jeediyay.

Laba dumar ah oo ay wada shaqaynayeen ayaa ku andacoodey in ay arkeen isaga oo talefankiisa ka eegaya isaga oo ag fadhiyay.

Mr Parish oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa yidhi: “Xaaladdu waxa ay ahayd mid qosol ku filan, waxa ay ahayd galmo aan eegayay.
“Waxaan galay degel kale oo magac isku mid ah lahaa, xoogaana waan daawaday, taasoo ay ahayd inaan sameeyo.

“Laakiin dambigeyga – dambiga ugu weyn – waa in mar kale aan galay mar labaad.”

Waxa uu qirtay in markii labaad uu ahaa mid ka dhacay Aqalka Baarlamaanka xilli uu fadhiyay oo sugayay codeynta.

Mr Parish ayaa sheegay in waxa uu sameeyay ay ahaayeen gabi ahaanba khalad, isaga oo intaa ku daray: “Waa in aan tan la noolaadaa inta nolosheyda ka hadhey, waxaan sameeyay qalad aad u xun, waxaana halkaan u imid inaan aduunka u sheego.”

Waxa uu sheegay in ay ahayd “daqiiqad waali ah” balse waxa uu diiday in uu daawado agabka uu rajaynayo in dadka kale ay arki doonaan, isaga oo sheegay in uu isku dayayo in uu caqli yeesho.

“Waan ku khaldamay waxa aan samaynayo, laakiin fikradan ah in aan halkaas daawado, cabsi gelinta haweenka, waxaan ula jeedaa in aan 12 sano ku jiray baarlamaanka oo ay u badan tahay in aan helay mid ka mid ah sumcaddii ugu fiicnayd – ama aan lahaa,” ayuu yidhi.

Mar wax laga weydiiyay sababta uu u go’aansaday in uu ugu daawaday gudaha aqalka hoose, Mr Parish waxa uu sheegay in aanu garanayn oo ay qasab tahay in uu dareemayay “dareen wanaagsan”.