Ilhaan Cumar oo ka digtay Ciidan cusub oo Maraykanku samaystay

USA-(Berberanews)-Xildhibaan Ilhaan Cumar, ayaa sheegtay in booliiska cusub ee Florida ee u heellan khiyaanada codbixiyayaasha iyo dambiyada kale ee la xidhiidha doorashooyinka loo isticmaali doono “cabsigelinta, dhibaateynta, iyo ciqaabta dadka saboolka ah iyo codbixiyayaasha Madow.”

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ayaa saxiixay sharciga isniinta kaasoo dhigaya “Xafiiska Dambiyada Doorashada iyo Amniga” oo u heellan baadhitaanka eedeymaha khiyaanada codbixiyayaasha.

Ilhaan Cumar ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay Arbacadii in ciidamada cusub ee booliska loo adeegsan doono beegsiga codbixiyayaasha Madow.

“ciidan ahaan si loo baadho, qaybtan booliisku waxay noqon doontaa mid aan faa’iido lahayn. Ciidan ahaan cabsi gelinta, dhibaataynta, iyo ciqaabta dadka saboolka ah iyo codbixiyayaasha madow, waan hubaa” aad baan u caawin doonaa,” Ilhaan Cumar ayaa tidhi.

Bryan Griffin, oo ah ku xigeenka xoghayaha xafiiska barasaabka Florida ayaa ka jawaabay eedaha Ilhaan Cumar.

“Qiyaamo waa cabudhinta dhabta ah ee codbixiyayaasha, sababtoo ah waxay ku martiqaadaysaa saameyn aan loo baahnayn, oo ka baxsan habka doorashada waxayna halis gelinaysaa dammaanadda aasaasiga ah ee Maraykanka ee ah in qof kastaa helo hal cod oo siman.”