Haweenay reer Puntland ah loo doortay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Somalia

Muqdisho   – (Berberanews)-Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa ku guulaystay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Barlamaanka Soomaaliya, waxayna noqonaysaa haweenaydii ugu horraysay ee xilkaas qabata, kadib doorasho aad loogu loollamay oo ka dhacday teendhada Afisiyoone ee Madaarka Muqdisho caawa.

Xildhibaan Sacdiya oo laga soo doortay Puntland ayaa heshay 137 cod, halka Maxamed Cali Cumar Caananuug oo la tartamayey, lagana soo doortay Jubbaland uu helay 107 cod.

Xildhibaan Sacdiya waxay ka mid ahayd xubnaha sida adag uga soo horjeeday siyaasada madaxweyne Farmaajo, waxayna safka hore kaga jirtay xildhibaannada isbeddel doonka.