Wasiir Kaahin iyo Taliye Taani oo la kulmay Safiirka UK ee Hargeysa

Hargeysa -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Ambassador Lizzia Walker oo ay wehelinayeen xubno ka socday xafiiskeeda Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa Safiirka ugu xog-warramay xaaladda guud ee amniga Jamhuuriyadda Somaliland iyo halka uu marayo  gurmadka Suuqa Waaheen ee dhowaan gubtey dabkii.
Wasiir Kaahin ayaa Safiirka guddoonsiiyey hadiyado kala duwan oo ku saabsan hidda iyo dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo astaamo kale oo ay ku xardhan yihiin calanka Somaliland, iyada oo Safiiirku si weyn ugu mahadnaqday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.
Kulankan waxa Wasiirka kala qaybgalay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Agaasimaha Guud ee Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Ibraahim Cali Ismaaciil iyo Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Hay’adaha Siciid Yusuf Cabdi Siciid.