Muqdisho: Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda qarax lala eegtay sarkaal sare oo millateri

Muqdisho -(Berberanews)-Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax miino lala eegtay gaadhi uu saarnaa sarkaal sare oo ka tirsan millatariga Soomaaliya oo marayey badhtamaha magaalada Muqdisho barqadii maanta.

Al-shabaab ayaa baraha Internetka ee taageera ku baahiyey inay qaraxa oo ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay la beegsadeen gaadhi uu saarnaa Jenaraal Maxamed Xaashi Guuleed oo ay sheegeen inuu dhaawac culus ka soo gaadhay, sidoo kalena ku dileen afar ka mid ah askarta ilaalada ahaa.
Qaraxan ayaa ka dhacay Isgoysyada Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaanay warar madaxabannaan xaqiijiyeen in ay ku dhinteen 7 ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dawladda Soomaaliya oo ku aaddan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa lala eegtay gaadhiga sarkaalka sare ee ka tirsan ciidammada millateriga Soomaaliya.