Guddida Doorashooyinka oo Dhaariyey Madaxda Heer Gobol iyo Degmo ee Komishanka

Hargeysa  – (Berberanews)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tababar u soo xidhay, isla markaana dhaariyey madaxda cusub ee heer Gobol iyo Degmo u qaabilsanaan doona Guddiga Doorashooyinka maanta.


Tababrkan oo maalmahan uga socday magaalada Hargeysa, ayaa lagu baranayey sidii madaxda gobolladu uga shaqayn lahaayeen diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhowaan dalka ka bilaabmi doonta.
Waxa halkaas dardaaran uga jeediyey xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo uu horkacayey Guddoomiye Cabdirashiid Riyo-raac.