Turkiga oo hawadiisa ka mamnuucay diyaaradaha Ruushka

Turkey-(Berberanews)-Turkiga ayaa hawadiisa ka xidhay diyaaradaha rayidka iyo kuwa militariga Ruushka ee u duulaya Suuriya, sida ay kasoo xigatay warbaahinta gudaha dalka Turkiga wasiirka arrimaha dibadda Mevlut Cavusoglu.

“Waxaan hawada ka xidhnay diyaaradaha militariga Ruushka – iyo xitaa kuwa rayidka – ee u duulaya Suuriya. Waxay haysteen ilaa Abriil, waxaan weydiinnay bishii March,” Cavusoglu.

Cavusoglu ayaa sheegay inuu go’aanka u gudbiyay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, ka dibna uu u gudbiyay madaxweyne Vladimir Putin.
“Hal ama laba maalmood ka dib, waxay yidhaahdeen: Putin wuxuu soo saaray amar, ma duuli doonaan diyaaradahayagu mar dambe,” Cavusoglu ayaa laga soo xigtay.

Cavusoglu ayaa intaa ku daray in mamnuucidaasi ay sii jiri doonto muddo saddex bilood ah.

Ma jirto wax jawaab ah oo degdeg ah oo ku saabsan ku dhawaaqa Turkiga ee Ruushka.

Xidhiidhka Ankara iyo Moscow ayaa si kooban u xumaaday ka dib markii Turkigu uu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay meel u dhow xadka Turkiga iyo Suuriya 2015.

Turkiga ayaa isku dayayay in uu dhexdhexaadiyo soo afjarida colaada, isagoo martigeliyay shirar u dhaxeeyay Ruushka iyo Ukraine oo wada xaajoody uga socday Istanbul, iyo kulan kale oo dhex maray Lavrov iyo dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba ee Antalya.

Berberanews.net
Info@berberanews.com