Muqdisho: Weerar iyo qarax lagu qaaday makhaayad ku taal Xeebta Liido

MUQDISHO —(Berberanews)-Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay, tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen qarax xooggan ismiidaamin ah oo ka dhacay makhaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho caawa, iyadoo qarax kadibna halkaas laga maqlay rasaas culus.

Qaraxa oo uu fuliyey qof isku soo xidhay waxyaabaha qarxa, ayaa ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida, halkaas oo ay afur ku lahaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamanka cusub Soomaaliya iyo weliba saraakiil sare oo ciidan.

Sidoo kale, waxa makhaayadda la weeraray ku sugnaa Taliyaha Ciidammada Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, balse Afhayeenka Xukuumadda  Mr Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa caddeeyey in taliyuhu bad-qabo.
“Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii sheegay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa iyo weerarka lagu qaaday. Sidoo kale, xildhibaannadu way nabad qabaan,” ayuu yidhi Macallimuu.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya, ayaa werisay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawca, balse ma sheegin tiro.
Adeegga gurmadka degdegga ah ayaa xaqiijiyey dhimashada lix qof iyo dhaawaca toddoba kale.
Dadka ku dhaawacmay weerarka waxa ka mid ah Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis, Liibaan Shidane.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka oo isugu jira isqarxin iyo dagaal toos ah oo ka dhacay gudaha makhaayadda oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee ku yaal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.