Kim Jong Un oo kormeeray Tijaabada Gantaallo cusub oo dalkiisu sameeyay

Kuuriya-(Berberanews)-Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa kormeeray tijaabada ridada nooc cusub oo ah hub taatiko ah oo la hago kaas oo looga dan lahaa in lagu kordhiyo awooda Nukliyeerka ee dalkaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA maanta oo Axad ah.

Warbixinta ayaa ku soo beegantay iyadoo ay muuqato in Kuuriyada Waqooyi ay dhawaan dib u bilaabi karto tijaabada nukliyeerka sida ay sheegeen saraakiisha Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka iyo ka dib markii Kim uu jabiyay xannibaadda uu iskiis u joojiyay tijaabada gantaallada isaga kala goosha qaaradaha (ICBM) oo uu ku riday gantaal bishii hore.

Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay ka war heleen goor dambe oo Sabtidii ah laba gantaal oo laga soo tuuray xeebta bari ee Waqooyi ee dhanka badda, kuwaas oo ku duulay 110 kiiloomitir (68 mayl) oo leh xawaarihii ugu badnaa ee 25 kiiloomitir iyo xawaaraha ugu sarreeya ee Mach 4.

“Nidaamka hubka ee la hagayo ee nooca cusub… waxa uu muhiimad weyn u leeyahay in si weyn loo wanaajiyo awoodda rido ee safka hore ee cutubyada madaafiicda riddada dheer iyo kor u qaadida hufnaanta hawlgalka taatikada nukliyeerka,” ayay tidhi KCNA.

KCNA may sheegin goorta uu tijaabadani dhacay manay bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan waxa gantaalka ku lug lahaa.

Markii uu hagay tijaabada, Kim “wuxuu bixiyay tilmaamo muhiim ah oo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa awoodaha difaaca iyo ciidamada dagaalka nukliyeerka ee dalka,” ayay tidhi KCNA.

Ankit Panda, oo ah xubin sare oo ka tirsan Hay’adda Carnegie Endowment ee Nabadda Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Mareykanka, ayaa sheegay in hubku uu u badan yahay gantaal ballistic ah oo riddada gaaban iyo habka ugu horreeya ee hubka Nukliyeerka ah ee Waqooyiga.

Kuuriyada Waqooyi waxa ay leedahay muhiimad maxalli ah oo ah in ay samayso oo ay dhamaystirto hubka uu amray Kim Jong Un in kasta oo uu Maraykanku sameeyo ama aanu samaynin, waxaanay tijaabooyinku dadka u sheegaan in Kuuriyada Waqooyi ay tahay mid xoogan, ayuu yidhi Duyeon Kim oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha Kuuriyada Waqooyi oo saldhigiidu yahay Xarunta cusub ee Ammaanka Maraykanka.

Qaybta 2-aad ee Ciidanka Maraykanka, ee fadhigeedu yahay Kuuriyada Koonfureed, ayaa la wadaagay sawirrada ciidammada oo tijaabinaya habka gantaallada riddada badan (MLRS), in kasta oo aanay caddayn goorta dhoolatusku dhacay.

Berberanews.com
Info@berberanews.com