Xukuumadda Somaliland oo faahfaahin ka bixisay xadhig-wadareedka 13 suxufi

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay tafaasiil ka bixisay xadhigga 13 suxufi oo loo xidhay eedaymo la xidhiidha warar ay toos ah uga gudbiyeen shaqaaqo ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa, 13kii bishan April.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta Somaliland  – Maxamed Kaahin Axmed iyo Saleebaan Yuusuf Cali Koore – oo wadajir shir-jaraa’id ugu qabtay magaalada Hargeysa galabta, ayaa si faahfaahsan uga hadlay xadhig-wadareedka weriyeyaashan oo maalintii afraad ku xidhan jeelasha caasimadda Hargeysa.

Waxa ay sheegeen in aan dembi loo yeelayn cid aan dembi lahayn, qof kastaana uu heli doono caddaalad. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Koore oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa carrabka ku adkeeyey in weriyeyaasha xidhan la marsiin doono sharciga, isla markaana heli doonaan garsoor caddaalad ah.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay ka xun yihiin weriyeyaasha xidhan, haseyeeshee uu sharcigu qof walba ka sarreeyo.

Dhanka kale, waxa uu Wasiir Kaahin farriin u diray kooxo uu sheegay inay dawladda ku dhaleeceeyeen xadhigga suxufiyiintaas oo ku eedaysan baahinta warar beena oo liddi ku ah amniga.

Suxufiyiintan oo uu ka mid yahay weriye Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh) oo BBC-da ka tirsan, ayaa la qaqabtay iyaga oo ku sugan afaafka hore ee Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa oo ay ka socotay rabshad ay sameeyeen maxaabiista ku xidhan oo weriyeyaashu toos uga baahiyeen warar aan sugnayn.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa si kulul u cambaareeyay xadhigga weriyeyaasha.