Madaxweynaha Somaliland oo furay wejiga 1aad ee taakuleynta dadka ku xoolo beelay Suuqa Waaheen

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay maanta barnaamij ballaadhan oo lacago loo qaybinayo dadka ugu haynta hooseeyey ganacsatada dhowaan hantidii ku gubatay Suuqa Waaheen, si ay ganacsigoodii markale dib ugu bilaabaan.
Munaasibadda qaybinta lacagta oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyada oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Guddida Ganacsatada Suuqa Waaheen, ayaa ujeeddadeedu ahayd in hawlgalka dib loogu xoolaynayo dadka hantidoodu ku waayey Suuqa Waaheen lagu ibo furo ganacsatada danyarta ah oo tirokoob lagu sameeyey, kuwaas oo ganacsigooda lagu qiimeeyey inta u dhexaysa $73 ilaa 5,000 doollarka Maraykanka ah.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland Md Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa sheegay inay kala-huf iyo u dhabbo-gal dheer kaddib soo xuleen 988-ka qof ee ugu haynta hooseeyey ganacsatadii ay hantidoodu ku gubatay Suuqa Waaheen, isaga oo xusay in madaxweynuhu ku taliyey in dadkaas danyarta ah muhiimadda koowaad la siiyo, kuwaas oo hayntooda hore lagu qiimeeyey inta u dhexaysa $73 ilaa 5,000 (Saddex iyo toddobaatan doollar ilaa iyo shan kun oo doollar).
Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa Md Khadar Axmed Cumar, ayaa isaguna bogaadiyey tallaabaddan madaxweynuhu hoggaaminayo ee qaadhaanka loo ururiyey Suuqa Waaheen lagaga fuudh yeelay dadka danyarta ah ee suuqaas ku ganacsan jirey, kuwaas oo maanta noqday ciddii ugu horreysay ee lacago la guddoonsiiyo si ay ganacsigoodii dib ugu bilaabaan.
Xubno ku hadlayey magaca dadka danyarta ah ee lacagaha la guddoonsiiyey, ayaa madaxweynaha iyo xukuumaddaba ku ammaanay tallaabada ay lacagaha ku siisay, kagana dhigtay cidda ugu horraysa ee lacago ay ganacsigoodii dib ugu bilaabaan la guddoonsiiyey.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalladii ay guddi ahaan ka sameeyeen sidii loo sugi lahaa tirada dadka Suuqa Waaheen ku ganacsan jiray, sida ay u kala jeeb roonaayeen iyo sidii ay u heli lahaayeen suuq ku-meel-gaadh ah oo ay ganacsigooda ku sii wadan karaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horreyn Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay hawsha qaran ee loo igmaday u wadaan, waxaanu guud ahaanba shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay guddida la shaqeeyaan, wixii gurmad ah ee la ururinayana ku soo shubaan akoonnada ay guddidu gacanta ku hayso, kana dheeraadaan wax kasta oo kala tafaraaruq ah xilligan adag ee lagu jiro.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey in guddida iyo xukuumadda oo is kaashanayaa isla qaateen in wejiga koowaad ee qaadhaan-qaybinta muhiimad gaar ah la siiyo ganacsatada ugu jeebka yaraa Suuqa Waaheen, iyada oo kuwooda qiimaha hantidoodu ka hoosaysay boqolka doollar la siinayo shan boqol oo doollar, waxaanu yidhi, “Go’aankii aynnu isla qaadannay wuxuu ahaa dadka wixii hantidoodu shan kun ka yarayd waxoodii oo dhan aynu u celinno, wixii boqol doollar ka yarna aynu shan boqol oo doollar wada siinno, waayo waa lacag ummaddu soo ururisay, waxana waajib ah in horta kuwa liita laga daryeelo, maantana taasaynu fulin doonaa.”
Lacagta maanta la qaybiyey waxa uu cadadkeedu dhammaa $1,872,511 (Hal milyan, siddeed boqol, laba iyo toddobaatan kun, shan boqol iyo kow iyo toban) dollars, iyada oo 988-ka qof ee la soo xulay 30 ka mid ah uu madaxweynuhu gacantiisa ku siiyey, halka inta soo hadhayna Guddoomiyaha Baanka Dhexe uu madaxweynaha hortiisa habka Electarooniga ah ugu diray.
Wa-bilaahi Tawfiiq