In ka badan 340 qof oo ku dhintay roobabka Koonfur Afrika

South Africa-(Berberanews)-In ka badan 340 qof ayaa hadda la og yahay inay ku dhinteen gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika daadadkii ugu xumaa muddo tobanaan sano ah.

Raiisel wasaaraha gobolka, Sihle Zikalala, ayaa sheegay in ku dhawaad ​​41,000 oo qof ay saameeyeen agagaarka magaalada Durban.

Roobab mahiigaan ah oo maalmo socday ayaa qaaday guryo, jidad iyo buundooyin, taasoo keentay in dowladdu ay ku dhawaaqdo xaalad masiibo ah Arbacadii.

Korontadii iyo biyihii ayaa meelaha qaar dib loogu soo celiyay, balse maamulka ayaa ku booriyay in loo dulqaado kooxaha gurmadka.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa masiibadaasi ku tilmaamay isbedelka cimilada.