Xildhibaan Ku-caddeeye oo ugu baaqay suxufiyiinta xidhan inay raalligelin bixiyaan

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan SH. Axmed Dayib Aadan (KUCADDEEYE) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uga soo baxay Gobolka Maroodi-jeex, ayaa ugu baaqay suxufiyiinta u xidhan dhacdadii Jeelka Hargeysa inay raalligelin bixiyaan.

Xildhibaan SH. Axmed Dayib Aadan, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xeerarka saxaafadda iyo Dastuurka Somaliland ee la xidhiidha xorriyadda iyo saxaafadda.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:

“GAAL DIL GARTIISANA SII!
Xorriyadda saxafadda iyo warbaahinta waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, lamana cabudhin karo, sida ku qodobka 32AAD ee Dastuurka JSL farqraddiisa 3AAD oo u dhigan “SAXAAFADDA IYO WARBAAHINTA KALE WAXAY KA MID YIHIIN XORRIYAADKA AASAASIGA AH EE RA’YI-DHIIBASHADA, WAXAYNA LEEYIHIIN MADAXBANNAANIDOODA; WAY REEBBAN TAHAY TALLAABO KASTA OO LAGU CABUDHINAYO.”
Sidoo kale, xorriyadda hadalka iyo ra’yi-dhiibashada muwaaddin kasta (siyaasi iyo mid aan siyaasi ahaynba) waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurka JSL sida ku qeexan Dastuurka qodobkiisa 32AAD Faqraddiisa 1AAD oo u dhigan: “MUWAADDIN KASTAA WAXA UU XOR U YAHAY IN UU RA’YIGIISA KU BANDHIGO QORAAL, HADAL, MUUQAAL, SUUGAAN AMA QAAB KALE OO XEERKA WAAFAQSAN.”
Haddaba, su’aashu waxay tahay Xorriyadda Saxaafadda iyo muwdaadinka ee Dastuurku
aqoonsaday ma leedahay xad ama bar-dhammaad aan la dhaafi karin? Jawaabtu waa haa; waxay leedahay xad iyo shardi lama dhaafaan ah, kaas oo ah in aanay taaban, kana horiman:
1) Anshaxa guud ee ummadda Somaliland ee Shareecadda iyo Xeerarku qeexeen.
2) Xasilloonida dalka Jamhuuriyadda. Somaliland iyo karaamadiisa.
3) Xuquuqda Muwaadinka kale ee Shareecadda iyo Dastuurkuba dammaanad qaadeen.
Sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 25AAD, Faqraddiisa 4AAD oo u dhigan sidan: “DHAMMAAN XORRIYAADKA QOFKA WAXA SHARDI AH IN AYNA KA HOR IMAN XEERARKA ANSHAXA GUUD, XASILLOONIDA DALKA AMA XUQUUQDA QOFKA KALE.”
Xuquuqda qofka kale waxa tilmaamay Dastuurka qodobkiisa 24AAD, Faqraddiisa 3AAD oo u dhigan: “QOF KASTAA WUXUU XAQ U LEEYAHAY IN LA XURMEEYO SHARAFTIISA, SUMCADIISA IYO NOLOSHIISA GAAR AHAANEED.”
Guntii iyo gababadii waxa waajib ku ah dhammaan masuuliyiinta qaranka, muwaaddiniinta iyo saxaafaddaba in ay xaq dhawraan Dastuurka iyo xeerarka dalka sida ku xusan Dastuurka qodobkiisa 34AAD, Faqraddiisa 2AAD oo u dhigan: “QOF KASTA WAXA KU WAAJIB AH IN UU XAQ DHAWRO DASTUURKA IYO XEERARKA DALKA.”
Haddaba, waxa waajib ku ah qof kasta oo Muwaadin ah ama saxafi ah in uu
ilaaliyo midnimada ummadda, jiritaanka Qarannimada, ilaalinta sirta ciidammada kala duwan ee Qaranka JSL, difaaca dalka iyo Diinta sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 34aad, Faqraddiisa 1AAD oo u dhigan: “ MUWAADDIN KASTA WAXA WAAJIB KU AH ADKAYNTA MIDNIMADA UMMADDA, ILAALINTA JIRITAANKA QARANNIMADA IYO DIFAACA DALKA IYO DIINTA SI WAAFAQSAN XEERKA.”
Ugu dambayn, dhacdadii shalay ee Jeelka weyn ee Hargeysa iyo muuqaalladii iyo tiraabihii ay ka midka ahaayeen israsaasayn baa ka socota Jeelka gudihiisa, hub baa lala galey Jeelka, iwm waxay ahayd gef iyo khalad ka dhacay saxafiyiinta, kana baxsan hufnaanta wararka saxaafadda looga baahan yahay iyo yo buunbuunin warar aan jirin, cid kasta oo difaacday khaladkaasina way marin habawdey.
Laamaha amnigana waxaan ugu baaqayaa in xorriyaddoodii loo soo celiyo saxafiyiinta
khaldamey Ilaahay baan khaldamine, iyaguna raalligalin ka bixiyaan, dhanka kale laamaha amniga waxa ku waajib ah in ay xarumaha warbaahinta xaq dhawraan; waayo xarumuhu dembi ma ay galin.”

Berberaneews.com
Info@berberanews.com