Qaramada midoobay oo ka digtay Malaayiin qof  halis ugu jira macaluul Somalia

UN-(Berberanews)-Hay’adaha ayaa ka digaya in malaayiin qof oo Soomaaliya ku nool ay soo wajahi karaan macluul, iyadoo carruurta ugu badan ay halis ugu jiraan.

Hadda 1.4 milyan oo carruur ah ayaa wajahaya “nafaqo-xumo ba’an dhammaadka sannadkan,” ayay hay’aduhu sheegeen.

Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa wax ay khubarada ugu yeedheen abaartii ugu darneyd ee soo marta tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo webiga Jubba ee ugu weyn dalka uu gabi ahaanba gudhay.

Dalku waxa uu la dagaallamayaa “Duufaan roob-yaraan ah, qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray iyo dhaqaale yari weyn ayaa ka dhigaya ku dhawaad ​​40% Soomaalida inay qarka u saaran yihiin,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Hay’adaha ayaa sidoo kale ku baaqay in dhaqaale dheeraad ah loo sameeyo dalka. “Xaqiiqdu waxay tahay in waqtigu aanu dhinacna ku jirin, waxaana hubaal ah in naf iyo maal kale oo badan ay lumin doonaan haddii ay dhacdo dib u dhac dhaqaale,” ayuu yidhi Adam Abdelmoula oo ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xidhiidhiyaha Arrimaha Bani’aadamnimada (Ocha).