“Askartu way awoodayeen in ay iska celiyaan qofkii dhagax qaataba” Taliyaha Asluubta

Hargeysa  -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay shaqaaqo ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa maanta iyo suxufiyiin loo xidhay dhacdadaas.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md Saleebaan oo uu wehelinayey Taliyaha Ciidanka Asluubta Jeneraal Axmed Yuusuf Cawaale (Libaaxo), ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in aanay wax dhibaato ah oo weyn ka dhicin Xabsiga weyn ee Hargeysa oo uu ka dhacay iska horimaad waqti kooban socday oo dhexmaray qaar ka mid ah maxaabiista iyo ciidanka ilaalada Jeelka.
Taliyaha Ciidanka Asluubta, ayaa sheegay in shaqaaqo yar ka dhex dhacday maxaabiista gudahooda, balse aanay jirin maxaabiis hub iyo rasaas ku dhex haystay jeelka iyo maxaabiis baxsaday toona.
Taliye Libaaxo, ayaa intaa ku daray in shaqaaqadaas dhaawac fudud soo gaadhay laba askari oo ka tirsan ciidankiisa, isla markaana aannu jirin khasaare intaas dhaafsiisan oo ka dhacay Jeelka Hargeysa.
“Askartu way awoodayeen in ay iska celiyaan qofkii dhagax qaataba, laakiin waxa ay u dhaqmeen sidii ugu wanaagsaneyd oo nin askari ah oo haya maxbuus uu u dhaqmi lahaa. Dhagxaantii ay tuurayeen maxaabiista ayey ku dhaawacmeen laba askari,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland.

Sidoo kale Wasiirka Caddaaladda Md Saleebaan,  ayaa isna sheegay in shaqaaqo maxaabiista dhexdooda ka dhex dhacday si degdeg ah loo xakameeyey, si buuxdana ciidammadu gacanta ugu hayaan ammaanka jeelka.
Dhanka kale, Wasiir Saleebaan ayaa uga digay warbaahinta madaxbannaan baahinta wararka aan xaqiiqda ku fadhiyin.
Ku dhowaad tobaneeyo ka mid ah suxufiyiinta ka hawgala Hargeysa, ayaa laga xidhxidhay afaafka hore ee jeelka, kadib markii ay toos u tabiyeeen shaqaaqada gudaha Xabsiga ka socotay.
“Saxaafadda madaxbannaan waxa aan u sheegaynaa in ay hubiyaan wararka ay baahinayaan, hana iska ilaaliyaan degdega, bulshadana ha u sheegaan warar run ah hufan.
Bulshada reer Somaliland waxaan u sheegaynaa wax weyn oo halkaas ka dhacay ma jirto. Aynu meel uga soo wada jeedsanno dadka warar ka borobogaandada ah bulshada iyo suuqa ku baahinaya,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ku dhowaad tobaneeyo ka mid ah suxufiyiinta ka hawgala caasimadda Hargeysa, ayaa laga xidhxidhay afaafka hore ee Jeelka, kadib markii ay toos u tabiyeeen waqtigii shaqaaqadu gudaha Xabsiga ka socotay.