Aas Qaran oo loo sameeyay Askari ka Tirsana ciidanka Booliska ee degmada Ceerigaabo

Ceerigaabo – (Berberanews)-ALLE haw naxariista waxa maanta magaalada Ceerigaabo ee  xarunta gobolka Sanaag, aas Qaran loogu sameeyay askari ka tirsana ciidanka booliska Somaliland, ee gobolka Sanaag, kaas oo ku geeriyooday shil gaadhi, xilli ay ciidamada booliska ee gobolkaasi hawl gal kaga jireen jidka u dhaxeeya Ceerigaabo iyo degaanka Yufle.

Marxuunka oo lagu magacaabi jiray Khadar Saleebaan Maxamed, ayaa ka dhacay gaadhi ciidanku leeyahay oo marayay jidka u dhaxeeya Ceerigaabo iyo Yufle, oo ciidamadu hawlgal dhinaca abniga ah kaga jireen.

Aaska qaran ee loo sameeyay marxuumkaasi askariga ahaa waxa ka qayb galay saraakiisha ciidamada booliska, ee gobolka Sanaag, maamulka gobol iyo degmo ee Ceerigaabo, kuwaasi oo marxuumka ka tacsiyadeeyay qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay, isla markaasna ILLAAHEY uga baryay marxuumka uu janooyinkiisa ku casuumo.

Duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa sheegay in marxuumku uu ku geeriyooday isaga oo guddanaya waajibadkiisii shaqo.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, mudane Axmed Cabdi Muuse, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo qaraabadii iyo Qaranka Somaliland, ee uu ka baxay marxuum Khadar Saleebaan Maxamed, oo ka tirsana ciidanka booliska ee gobolka Sanaag.“Geerida ku timid askariga booliska ah ee ehelkii booliska ah, ee geeriyooday isaga oo hawshii Qaranka ku jira tacsi ayaanu uga dirayna guud ahaan bahda booliska Somaliland,  marka labaad waxaan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayna eheladiisi, iyo xaafadii uu ka baxay”

“Waxaan halkan tacsidiisa ka diraya manta Marxuum Khadar Saleebaan Maxamed, oo ahaa askari boolisa, kana tirsana ciidamada ammaanka ee gobolka Sanaag, oo geeridi ALLE u qoray ay haleeshay, isaga oo shaqadii Qaranka ku jira, ee uu u dhaartay ee booliska ku ahaa, isaga oo fulinaya ayaa gaadhigii booliska ee uu saarna ka dhacay, waxaan ka tacsiyadeynaya Qaranka Somaliland”Ayuu yidhi Saleebaan Ducaale Ubaxle taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sanaag.