Fahad Yaasiin oo dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Muqdisho

Muqdisho – (Berberanews)-Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, ayaa xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed ka dhan ah Guddida Doorashada Fedaraalka oo uu soo gudbiyey La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mr Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).

Mr. Fahad Yaasiin oo hore u soo noqday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa dacwadda uu u gudbiyey Maxkamadda Sare ku sheegay in Guddida Doorashada Federaalka ay si sharci-darro ah ugu diideen kursi xildhibaanimo uu ku soo baxay oo doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Beledweyne bishii February ee sannadkan.
Sida ku cad ka soo baxay Maxkamadda Sare maanta, waxa ay Maxkamaddu ku wargelisay garyaqaanka dawladda inuu muddo laba maalmood gudahood ah kaga soo jawaabo gal-dacwadeedka sarkaalkan awoodda badan leh kaga dacwoonayo Guddida Doorashada Fedaraalka Soomaaliya.
Fahad Yaasiin oo lagu tilmaamo mulkiilaha dawladda Soomaaliya iyo baalasha uu ku duulo Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka mid ah afar oo Guddida Doorashada ee heer Fedaraal u diideen in loo ansixiyo inay ka mid noqdaan xildhibaannada baarlamanka cusub ee maamulka Muqdisho.