Maayarka Caasimadda oo ka digay hadallada xanafta leh ee hadheeyey masiibada Suuqa Waheen

Hargeysa-(Berberanews)-Maayarka Caasimadda Hargeysa oo ka digay hadallada xanafta leh ee hadheeyey masiibada Suuqa Waheen, kuna baaqay in Madaxweynaha lagu taageero dedaallada gurmadka

“Madaxda iyo siyaasiyiinta waxaan leeyahay waar maalmahan waa maalmihii la isgarabsan jiray,  hadallada xanafta leh ee shakiga abuuraya ee ummadda iska horkeenaya in ummadda laga daayo oo tashusuushka laga daayo weeye.

In Madaxweynaha Qaranka oo hawshan Hoogaminaya ku gacansiinno weeye .”

Maayir Mooge oo munaasibad casuumad ah oo Madaxweynuhu sameeyey ka hadlayey ayaa yidhi,

“Madaxda iyo siyaasiyiinta waxaan leeyahay waar maalmahan waa maalmihii la isgarabsan jiray. Hadallada xanafta leh ee shakiga abuuraya ee ummadda iska horkeenaya in ummadda laga daayo oo tashusuushka laga daayo weeye, nin kastaa intuu qaban maro inuu qabto weeye, jeebka gacanta la geliyo weeye inaan waxba lala hadhin weeyaan.

In Madaxweynaha Qaranka oo hawshan hoggaaminaya aynu ku gacansiinno weeye,  in aynaan waxba kala hadhin weeyaan, talada kala hadhin weeye, adduunka kala hadhin weeye.

In midhmidhka dhegoolaha ah ee halka aynu u soconno aan socon habaari maynee Ilaahay baynu u waydiinaynaa inuu soo baydho.”