Al-shabaab oo beenisay digniin kasoo  baxday hay’adda NISA

Muqdisho -(Berberanews)-Kooxda Al-shabaab ayaa beenisay digniin ka soo yeedhay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, taasoo sheegtay in Al-shabaab ay ka shaqeynayaan shirqool lagu dilayo madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay aannu haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan ciidankooda oo sida hay’adda NISA shaacisay loo abaabulay inuu khaarijiyo madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal-wasaare Rooble.

“Waa wax aad loogu qoslo runtii. NISA waxay ogaan kari wayday markii aan masuuliyiinta  iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay. Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsannay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno,'” ayuu yidhi sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab.

Maalin ka hor hay’adda NISA ayaa soo bandhigtay xog amni oo la xidhiidha in Alshabab ay maleegayaan shirqoollo ka dhan ah madaxda ugu sarreysa dalka, waxayna soo bandhigeen magaca nin lagu magacaabo Maxamed Maahir oo fulinaya shirqoolkaas.