Dowladda Ireland oo war kasoo saartay Dabkii Hargeysa

Nairobi-(Berberanews)-Safiirka Ireland u fadhida Kenya, Somalia iyo Eritrea Fionnualla Quinlan, ayaa dhambaal naf-qaybsi ah la wadaagtay bulshada Somaliland ee khasaaruhu kasoo gaadhay dabkii baabi’iyay suuq-ganacsiyeedkii ugu weynaa Hargeysa ee Waaheen.

Fionnualla Quinlan, ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay dhibaatada soo gaadhay shacabka Somaliland,islamarlaana dowladda Ireland ay la qaybsanayso waxyeelladaas.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka, ayaa u dhignaa sidan:

“Fikirkeenu wuxuu la socdaa dhamaan dadkii ku waxyeeloobay dabka Suuqyada Hargeysa .

Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa in aan wax naf ah lagu waayin, laakiin aad ayaan ugu hanweynay in suuqa ay nolol-maalmeed ka heli jireen kumanaan, oo ay ku jiraan haween badan oo ganacsato ah.

Ireland waxay u taagan tahay garab istaaga shacabka #Somaliland oo ka shaqaynaya sidii dib u dhis loogu samayn lahaa.”

Berberanews.com