Shaqaale ka socda Qarammada Midoobay oo u imanaya Somaliland gurmadka masiibadii dabka Hargeysa

Muqdisho  -(Berberanews)-Xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ka murugaysan yihiin dabka galaaftay suuqii ugu waynaa Somaliland ee Waaheen, waxaanay ballanqaadeen in ay ka qaybqaadanayaan dedaallada wax lagaga qabanayo masiibadaas.

Qoraal ku soo baxay Afsoomaali oo lagu baahiyey bogga xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya caawa, ayaa lagu sheegay in shaqaale ka socda UN-ka loo dirayo magaalada Hargeysa si ay ugu biiraan shaqaalahooda Somaliland ku sugan, si ay ugala qaybqaataan hawlaha gurmadka.

“Qarammada Midoobay waxa ay si qoto dheer leh uga tiiraanyootay warka ku saabsan dabkii ka kacay suuqa magaalada Hargeysa oo saamayn xooggan ku yeeshay nolosha dadka, waxayna u diraysaa koox ka kala socota hay’adaha si ay ugu biiraan hay’adaha Qarammada Midoobay iyo maamulka halkaas ku sugan si ay wax uga qabtaan khasaarahaas. Qalbiyadeennu waxa ay la jiraan kuwa ay dhibaatadu saameysey,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Qarammada Midoobay.

Magaalada Hargaysa waxa ka socda gurmad la doonayo wax lagaga qabto khasaaraha ka dhashay dabkii qabsaday suuqa Waaheen, waxana la rajaynayaa in ummadda Soomaaliyeed, hay’adaha caalamiga ah iyo dawladaha caalamka ee Somaliland saxiibka la ah ay gacan ka gaystaan in Suuqa Waaheen uu markale cagihiisa isku taago.

Dabkan oo socday muddo ku dhow 30 saacadood ayaa gabi ahaanba dhulka la simay suuqa Waaheen, warbixin hor dhac ah oo laga soo saaray khasaaraha uu dabku sababayna waxay sheegtay in hanti u dhiganta 2 bilyan oo dollar ay ku burburtay.