Ruushka oo dhulka la simay wershaddii sifaynta saliidda Ukraine

Ukraine-(Berberanews)-Warshad saliidda sifeysa oo ku taal bartamaha Ukraine ee magaalada Kremenchuk ayaa gebi ahaanba ku burburtay weerar uu Ruushku ku qaaday xaruntaas, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaa u sheegay telefishinka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Dabkii ka kacay warshadda sifaynta waa la damiyay, laakiin gebi ahaanba xarunta ayaa baaba’day, mana sii shaqayn karto,” Lunin Dmytro Lunin, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaasi yidhi.

Wargeyska The Independent ee ka soo baxa Kyiv ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in weerar gantaal oo ku dhacay warshadda sifeysa saliidda uu burburiyay – oo ah tan ugu weyn Ukraine.

Kremenchuk waa xarun warshadeed oo muhiim ah oo ku taal barldhtamaha Ukraine.

Dhanka kalena, Kaaliyaha sare ee madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in xasuuqii dadka rayidka ahaa ee Sabtidii lagu soo bandhigay magaalooyinka la xoreeyay ee ka baxsan Kyiv ay mas’uuliyaddeeda qaadayaan siyaasiyiinta reer galbeedka oo ka baqaya “in ay ka xanaajiyaan” Ruushka.

Sabtidii, saxafiyiinta reer galbeedka ee tagay Bucha, Irpin iyo Hostomel waxay arkeen meydad daadsan hareeraha waddooyinka.

Ruushka ayaa dhowr gantaal ku garaacay dekedda Odesa ee badda Madow ee Ukraine iyo bartilmaameedyo kale.

Muuqaal la arkay ayaa waxaa uu muujinayay qiiq madow oo ka soo baxaya xarun warshadeed oo ku taalla Odesa.

Berberanews.com