Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Jabuuti iyo madax kale oo telefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland

Addis Ababa -(Berberanews)- Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Md Mustafe Maxamuud Cumar, ayaa dhammaantood khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, iyagoo muujiyey dareenkooda ku wajahan masiibada dabka khasaaraha ballaadhan sababay ee baabi’iyey suuqa Waaheen ee caasimadda Hargeysa xalay.
Sidoo kale, Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed, ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyey masiibada ku habsatay suuqa weyn ee Waaheen oo ah midka ugu weyn suuqyada ganacsiga ee ku yaal guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.