Saraakiil ka tirsan Millateriga Somaliland oo loo xidhay tababar hoggaaminta sare ah

Hargeysa -(Berberanews)-Abbaanduulaha Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale Afguduud,  ayaa tababar u soo xidhay 20 sarkaal oo ka tirsan ciidanka, kuwaas oo muddo toddobaad ah baranayey cilmiga Abbaanduulka dhexe (Junior staff collage course) oo ay fulisay hay’ad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo la yidhaa (ASI).

Waxa warbixin kooban ka siiyey Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Hoggaanka Tababarrada Ciidanka Qaranka Sarreeyo guuto Axmed Cali Maxamed muddadii uu soconayey tababarku, isla markaana mahadanaq u jeediyey macalliniinta tababarka bixinayey oo u dhashay dalka UK.

Ugu dambayn waxa dardaaran siiyey saraakiisha tababarka sare loo xidhay Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland, isagoo ku boorriyey saraakiisha in ay halkaa ka sii wadaan barashada cilmiga hoggaaminta ciidammada.