Maraykanka oo ku dhawaaqay go’aan cusub

USA-(Berberanews)-Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa amar ku bixiyay in lasoo bixiyo kaydka saliidda ee Mareykanka uu dib u dhigan jiray, si wax looga qabto qiimaha shidaalka ee aad sare ugu kacay.

Sii daynta ilaa 180 milyan oo fuusto oo saliid ah muddo lix bilood ah gudaheed ah waa tallaabadii ugu waynayd ee uu Mareykanku abid u qaado dhinaca kaydkiisa oo la sameeyay sanadkii 1974-kii.

Qiimaha saliidda caalamka ayaa hoos u djacay islamarkii uu faafay warka ku saabsan amarkan oo looga gol leeyahay in wax looga qabto sare u kaca yimid tan iyo markii uu billowday dagaalka uu Ruushku ku qaaday waddanka Ukraine.

Hase yeeshee sii daynta saliiddan – oo maalin kasta lasoo saari doono qiyaastii 1 milyan oo fuusto – ayaysan u badnayn in ay si buuxda xal ugu noqoto xasaradda dhinaca tamarta ee taagan, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha.

Mr Biden ayaa ballan qaaday in uu tallaabooyin kale oo dheeraad ah u qaadi doono sare u qaadista wax soo saarka Mareykanka, isagoo sheegay in sii daynta saliidda kaydka ah ay “buundo sii noqon doonto ilaa inta ka dhiman sannadka, markaasoo wax soo saarka gudaha uu sii kordhi doono”.

Shirkadaha ayuu ku boorriyay in ay bixiyaan lacago dheeraad ah haddii ay door bidi waayaan in ay isticmaalaan saliidda waddanka, iyagoo dowladda heshiis la galaya. Waxa uu sidoo kale ka codsaday in ay maalgashi ku sameystaan mashaariicda saliidda si ilaha tamarta Mareykanka ay u kordhaan.

Warka ku saabsan qorshaha Mareykanka ayaa yimid xilli Ururka ay ku mideysan yihiin dalalka Saliidda dhoofiya ee magaciisa loo soo baaciyo (Opec) iyo xulafadiisa oo uu ku jiro Ruushka ay kulan yeesheen maanta oo Khamiis.

Kaddib 12 daqiiqo oo ay wadahadal ku jireen, ururkan baaxadda leh ee ka kooban waddamada saliidda soo saara, oo loo yaqaano Opec+, ayaa sheegay in ay wali kusii socon doonaan qorshahoodii hore ee ahaa in si tartiib tartiib ah sare loogu qaado wax soo saarka.

Sare u kaca qiimaha shidaalka ayaa noqday dhibaato siyaasadeed oo aad u wayn, meelaha uu saameeyayna waxaa ka mid ah Mareykanka, oo la filayo in doorashada kala barka muddo xileedka ay ka dhacdo bisha November.

Mr Biden ayaa sheegay in heerka laga isticmaalayo saliidda kaydka ah uu ahaa mid aan “lasii qorsheynin”.

Mareykanka ayaa sidoo kale bishii March bixiyay kalabar ka mid ah saliidda cayriinka ah ee tiradeedu tahay 60m oo fuusto ee ay soo saaraan dalalka xulafada la ah Reer Galbeedka.

Qiimaha ayaa hoos u dhac billaabay tan iyo markii uu amarka bixiyay madaxweynaha Mareykanka balse wali waxa uu 70% ka sarreeyaa heerka uu taagnaa sanadkii lasoo dhaafay.

Adeegyada bixinta Tamarta caalamka ee dalalka loo dhoofiyo ayaa adkaa bilihii lasoo dhaafay kaddib markii ganacsiyada adduunka ay dib u furmeen markii la qaaday xayiraadihii daba socday cudurka safmarka ah ee corona.

Waxaase isbuucyadii lasoo dhaafay xaaladda uga sii daray dagaalka ka qarxay Ukraine. Waxaa la filayaa in dhoofinta saliidda ee Ruushka ay hoos u dhacdo ilaa 3 milyan oo fuusto maalintiiba.

Inta badan dalalka kale ee saliidda dhoofiya ayaa isugu jira kuwo haddaba heerkii ugu sarreeyay gaaray iyo kuwo aan diyaar u ahayn inay wax soo saarkooda kordhiyaan.

@Bbc Somali