Digniinta Jarmalku ka soo saaray Tamarta Gaaska ee Gabaabsiga ah

Germany-(Berberanews)-Jarmalku waxa uu Arbacadii soo saaray “digniinta hore” ee suurtagalka ah  gaas-yaraanta dabiiciga ah sababtoo ah  muran lacag bixineed oo ka dhexeeya Ruushka taasoo horseedi karta qaybinta tamarta dhaqaalaha ugu weyn Yurub.

Moscow waxay sheegtay usbuucii hore inay doonayso in lagu bixiyo lacagta ruble, halkii ay ku bixin lahayd doollarka Maraykanka ama yuuro sida uu dhigayo qandaraasyada saadka gaaska ee jira, waxayna ku hanjabtay inay jari doonto saadka hadii taasi aanay dhicin.

Dalabka Kremlin-ka waxaa diiday Jarmalka iyo kooxda G7 ee hormuudka ka ah dhaqaalaha horumaray. Dawladda Jarmalku waxay sheegtay Arbacadii in waddanku haysto gaas ku filan hadda, laakiin waxay ku boorisay dhammaan macaamiisha – laga bilaabo shirkadaha ilaa isbitaallada iyo guryaha – inay yareeyaan isticmaalkooda illaa iyo inta suurtogalka ah.

Hadda ma jiraan wax gabaabsi ah, “Wasiirka dhaqaalaha Robert Habeck ayaa ku yidhi hadal uu soo saaray. “Si kastaba ha ahaatee, waa inaan qaadnaa tallaabooyin taxaddar ah oo dheeraad ah si aan ugu diyaargarowno wax kasta oo ka soo baxa Ruushka.”

Kaydinta gaaska Jarmalku hadda waxaa  buuxsamay 25% awoodda, ayuu raaciyay. Digniinta hore waa tii ugu horreysay ee saddex heer oo feejignaan ah oo lagu dejiyay qorshaha Jarmalku ku maamulayo saadka gaaska marka ay dhibaato jirto.

Haddii xaaladdu xumaato, dawladdu waxay ku dhawaaqi doontaa “qeylo-dhaan,” oo ay ku xigto “xaalad degdeg ah.” Xaaladdaas heerka ugu sarreysa ee feejignaanta, nidaamiyayaashu waxay quudin karaan gaasta si ay u ilaaliyaan saadka “macaamiisha la ilaaliyo” sida guryaha iyo isbitaallada. Isticmaalayaasha warshadaha ayaa noqon doona kuwa ugu horreeya ee wajaha jarista