Taliska Booliska Somaliland oo ka digay faafinta wararka lagaga been sheegayo amniga dalka

“Muddooyinkii u dambeeyey waxa baraha bulshada (Socail Media) ku faafayey warar been-abuur ah, kuwaas oo wax lagaga sheegayey xaalad ammaan-darro oo ku soo fool leh Somaliland.


Haddaba, guud ahaan xaaladda nabadgelyo ee Somaliland waa nabad, waana ILAAHAY MAHADDII ka sokow, waxa gacanta ku haya ciidammada kala duwan ee Somalilnad, siiba Ciidanka Booliska oo sidii awalba ay heeganka buuxa ugu jiraan, iminkana ugu jira.
Waxaan uga digaynaa cid kasta oo baraha bulshada ku fidinasa, isla markaana buunbuuniya wararka cadowga in ay ka waantoobaan.
Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa in aan dheg jalaq loo siin dadka ku foogan beenaha aan salka iyo raadka lahayn ee la iska dhex qaadayo.”
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Boolisk JSL