Somalia: Raysal-wasaare Rooble oo amray baadhitaanka weerarradii u danbeeyay

Somalia-(Berberanews)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ee soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Rai’sul wasaaraha ayaa faray saraakiisha in baadhitaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii u dambeeyay, amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka.

Gabgabadii kulanka ayaa waxaa sida uu sheegay wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Farxaan Cali Axmed waxaa la saaray guddi isku dhaf ah oo baadhitaan ku soo sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday xerada Afisyooni.

Shirka sidoo kale intuu socday waxaa looga hadlay xaaladda amniga doorashooyinka oo heer gebogebo ah maraya, sida uu sheegay taliyaha booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

@Bbc