“Dembi Baa Ka Dhalanaya Haddii Dalka Laga Dhigo Mudaharaad…”
Wasiir Cabdillaahi Abokor

Hargeysa -(Berbetanews)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa jawaab ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI oo ku baaqay in mudaharaad laga dhigo dalka haddii ay qabsoomi weydo doorashada madaxtooyadu 13ka November ee sannadkan.
Wasiirka Hawlaha Guud oo ka qaybgalay xaflad lagu soo bandhigay buug cusub oo lagu qabtay Huteelka Dhoolayare ee magaalada Hargeysa xalay, ayaa sheegay in xisbiyadu ay ku jiraan sharci isla markaana haddii ay ilaalin waayaan shuruucda dalka aanay iyaguna jiri doonin.
Wasiir Cabdillaahi Abokor wuxuu sheegay in Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud ee xeer NO:51 oo soo baxay sannadkii 2012kii uu saxeexay Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaannu tilmaamay inay karaamo dhac ku tahay inuu u hoggaansami waayo shuruucdii uu saxeexay dhaqangalkooda, waxaannu ku dooday in xeerka Nabadgelyadu aanu dhigaynin in waddanka laga qabto mudaharaad aan sharci ahayn.
Waxa kaloo uu xusay in dambi ka dhallanayo haddii xisbiga WADDANI isku dayo inuu mudaraad sharci darro ah ku baaqo.
Wasiir Abokor waxa uu intaas ku daray in aanay jirin cid doorasho diidan, hase ahaatee xisbiga WADDANI uu ka baqanayo ururrada siyaasadda ee furmaya bisha June ee sannadkan, waxaanu hoosta ka xarriiqay in doorashada ururradu ay ka soo horreyn doonto ta madaxtooyada.