Dhimashada qaraxyadii Baledweyne oo gaadhay 48 qof iyo dhaawaca 108 kale

Beledweyne-(Berberanews)-Qaraxyadii xalay ka dhacay Beledweyne, waxa ku dhintay 48 qof, waxana ku dhaawacmay 108 kale, sida uu xaqiijiyey Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Hirshabelle Mr. Cali Guudlaawe caawa.

Dadka dhintay Allaah ha u wada naxariistee waxa ku jirtay Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo caan ku ahayd inay u dooddo Ikraan Tahliil oo dilkeeda lagu eedeeyey Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaliya ee NISA.

Qaraxyada ka dhacay Baledweyne oo ahaa laba aad culus, ayaa noqonaya kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya, marka laga reebo kii Isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen illaa 600 qof.
Qaraxyadu way dhacaan, laakiin waxa werwer weyn leh in aanay mar walba ahayn kuwo argagixiso ee ay noqdaan kuwo siyaasadeed, sida kuwan u dambeeyey loo tuhmayo, waxayna taasi tilmaan u noqonaysaa heerka khatarta ay ku jiraan dadka waddanka Soomaaliya ee colaaduhu naafeeyeen soddonkii sanno ee la soo dhaafay.