Mareykanka oo 5 Milyan Dollar Dul Dhigay Sarkaal Muhiim Ah oo ka Tirsan Al-shabaab

Washington -(Berberanews)-Dawladda Mareykanka ayaa u ballanqaadday lacag dhan $5 milyan oo dollar ah inay siinayso cidda keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Jehad Serwan Mostafa oo loo yaqaan Axmed-gurey oo la rumeysan yahay in uu xubin sare ka yahay kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Barnaamijka Caddaaladda Maraykanka, ayaa bayaan ay soo saartay toddobaadkan ku sheegtay in Mostafa oo hore u ahaa muwaaddin Ameerikaan ah oo degenaa Gobolka California, uu hoggaanka Al-qaacida u qaabilsanaa weerarrada ka dhaca Bariga Afrika oo ay ku jiraan Kenya iyo Soomaaliya.

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Mostafa oo 41 jir ah oo ku jira Liiska Argagaxisada loogu doonista badan yahay ee FBI-da uu ka qalin-jabiyay kulliyad ku taalla magaalada San Diego ee Gobolka California ee Maraykanka, ka hor inta aannu u wareegin Soomaaliya sannadkii 2005-tii.


Waxa la rumeysan yahay inuu ka qeybqaatay weerarro ka dhan ah ciidammada Itoobiya ka hor inta aannu ku biirin Al-shabaab ku dhowaad 2008dii.
“Al-shabaab, Mostafa waxa uu ka soo shaqeeyey shaqooyin badan oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay in uu tababare ciidan ka soo noqday xeryaha tababarrada ee kooxda, waxa uu hor kacayey dagaalyahannada ajaanibka ah, waxa uu ka hawlgalaa garabka warbaahineed ee kooxda, isaga oo u shaqaynayey  dhex-dhexaadinta Al-shabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah. iyo hoggaaminta kooxda weerarrada argagixisanimada,” ayey tidhi waaxda Abaalmarinta Caddaaladda ee Arrimaha Dibadda Mareykanka.
October 9, 2009, Mostafa waxa lagu soo oogay dacwad maxkamad ku taalla Koonfurta Degmada California ee dalka Mareykanka, iyadoo lagu eedeeyey inuu maleegayay inuu taageero agab ah siiyo Al-shabaab, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Berberanews.com
Info@berberanews.com