Madaxweynaha Somaliland oo Booqday Xarunta Qaramada Midoobay ee New York

New York -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tegay magaalada New York ee dalka Maraykanka shalay, ayaa xarunta guud ee UN-ka kulan ballaadhan kula qaatay mid ka mid ah Ku-xigeennada Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay maanta.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Hargeysa caawa, kulanka oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen waxa ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ku lafo-gureen arrimo muhiim u ah qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo kulanka ku wehelinayey madaxweynaha, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha lagaga wadahadlay kulanka oobka dhacay xarunta Qarammada Midoobay ee New York.
“Maanta waxa aanu kulan la yeelanay mid ka mid ah ku-xigeennada Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo aanu kala hadalnay qaddiyadda Somaliland iyo sidii ay Qarammada Midoobay kaalmooyinka ay bixiso si toos ah u siin lahayd Somaliland, iyadoo aan cidna loo soo marin,” ayuu Wasiir Kayd.
Wasiirka oo sii wata hadalkiisa waxa uu intaas ku daray, “Sidoo kale waxa aannu kala hadalnay horumarinta beeraha, kalluumaysiga, dhibaatooyinka abaaraha soo noq-noqday iyo sidii biyaha roobka aynu u qaban lahayn oo aynu biyo-xidheenno badan uga samayn lahayn dalkeena, markaa waannu isla qaadannay fikradahaas, waxaannu shirkaasi noqday mid guul noogu soo dhammaaday, waana guul kale oo Somaliland u soo hoyatay.”
Kulanka waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Amb. Bashiir Sheekh Cumar Good.
Kadib kulankaas weftiga Madaxweynuhu waxay dib ugu laabteen magaalada Washington DC oo ay ka sii wadan doonaan hawlaha shaqo ee ay u joogaan dalka Maraykanka maalintii sagaalaad.