Somaliland oo qaddiyadeeda aqoonsi-raadiska horgeynaysa maxkamadaha caalamka

Washington  -(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay inay maxkamadaha adduunka u gudbinayaan dacwad la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.
Wasiir Kayd oo ka hadlay manaasibad casho ahayd oo weftiga Madaxweyne Biixi la yeesheen qurba-joogga reer Somaliland ee ku dhaqan carriga Maraykanka xalay, waxa uu xusay inay maxkamadaha Afrika, ICJ iyo Carabta geynayaan doodda aqoonsiga Somaliland, si ay uga garnaqaan dacwaddan oo uu sheegay inay tahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba adag.
Waxa kaloo Dr Ciise Kayd uu     carrabka ku dhuftey in ay dawladda Soomaaliya ka dacwayn doonaan maxkamadaha waaweyn ee caalamka.
“Somaliland waxay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday. Waxaynu u baahannahay in aynu dawladda Soomaaliya geyno maxkamad kasta oo adduun ka ah,” Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hore u sheegtay in ay doodda qaddiyadda madaxbannaanideeda u gudbinayso baarlamaannada dawladaha caalamka.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa magaalada Berbera isugu yeedhay bishii March la soo dhaafay dhammaan wakiillada Somaliland ee dibadda, kuwaas lagu wargeliyey in dib loo qaabaynayo ololaha ictiraaf-raadinta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa haatan socdaal guulo waaweyn soo hooyey ku jooga dalka Maraykanka.