Ruushka oo markii u horraysay dagaalka u isticmaalay gantaalaha hypersonic

Rusia-(Berberanews)-Ruushka ayaa sheegay in markii ugu horeysay ay u adeegsadeen gantaaladooda cusub ee Kinzhal hypersonic ga Ukraine si ay u burburiyaan goob hubka lagu keydiyo oo ku taal galbeedka dalkaasi.

Wakaaladda wararka ee Interfax ee Ruushka ayaa sheegtay inay ahayd markii ugu horreysay oo Ruushku uu diro nidaamka Kinzhal ee hypersonic tan iyo markii ay ciidamadeeda u soo direen Ukraine 24-kii February.

“Nidaamka gantaalaha duulista ee Kinzhal oo wata gantaalada hawada sare waxay burburiyeen bakhaar weyn oo dhulka hoostiisa ah oo ay ku jiraan gantaalada iyo rasaasta hawada ee tuulada Deliatyn ee gobolka Ivano-Frankivsk,” afhayeenka wasaarada difaaca Igor Konashenkov ayaa Sabtidii sheegay.

Gobolka Ivano-Frankivsk wuxuu xuduud dheer oo dhan 50km (30 mayl) la wadaagaa xubinta NATO ee Romania.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Ruushka ay u adeegsadeen nidaamka gantaalaha lidka maraakiibta ee Bastion si ay u burburiyaan xarumaha ciidamada Ukraine ee ku dhow dekedda Odesa ee Badda Madow.

Ruushku waxa uu ku faanaa hubka casriga ah ee uu isticmaalo, waxana uu Madaxweyne Vladimir Putin bishii December sheegay in Ruushku yahay hogaamiyaha caalamiga ah ee gantaalaha hawada sare, kuwaas oo xawaarahooda, farsamayntooda iyo jooggoodaba ay ka dhigayaan mid adag in la ogaado oo la qabto.

Putin waxa uu gantaalka Kinzhal (Toorrey) ugu yeedhay “hub ku habboon” kaas oo ku duulaya 10 jeer xawliga codka, kana gudbi kara hababka difaaca hawada.
Putin ayaa sanadkii 2018 ku dhawaaqay tiro ka mid ah hub cusub oo uu ku hadlay mid ka mid ah khudbadihiisii ​​ugu xumaa muddo sanado ah, isaga oo sheegay in ay ku dhufan karaan ku dhawaad ​​meel kasta oo adduunka ah kana baxsan karaan gaashaanka gantaallada ee uu Maraykanku dhisay.

Sannadka soo socda, waxa uu ku hanjabay in uu gayn doono gantaallada hypersonic maraakiibta iyo badda hoosteeda kuwaas oo ku dhuuman kara meel ka baxsan badda Maraykanka haddii Washington u dhaqaaqdo in ay u dirto hubka nukliyeerka ee ridada dhexe Yurub.

Berberanews.com
Info@berberanews.com