Genel Energy: “Mashruuca Sahaminta Shidaalka Somaliland Wuxuu ahaa Dheeman noo Qarsoonayd”

Hargeysa -(Berberanews)- Shirkadda Sahaminta Shidaalka ee Genel Energy ayaa sheegay inuu dhammaaday caqabaddii hortaagnayd qoditaanka ceelkii ugu horreeyey ee shidaalka Somaliland muddo soddon sannadood ah, oo bilaabmi doona dhamaadka sannadka 2023.
Kulan Genel Energy Salaasadii ku soo bandhigtay waxqabadkeeda 2021 ayaa lagu sheegay in mashruuca sahaminta Somaliland ahaa dheeman u qarsoonaa sannado badan, sida lagu baahiyey mareegta seekingalpha.com
Madaxa Maaliyadda Mr. Esa Ikaheimonen oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu wakhtigan u muuqdo dariiqii loo mari lahaa qodista ceel baadhiseedka Somaliland oo ah deegaan yididiilo leh.
“Hore muddo ayaan sheegi jirnay inaannu qodi doonno, laakiin waxaannu sugaynay dhaqaale cid kale ku soo biiriso, iminka waanu helnay.
Agaasimaha Farsamada Mr. Mike Adams oo sharaxaad ka bixinayey mashruuca sahaminta Somaliland ayaa sheegay in “mashruuca sahaminta Somaliland uga dhignaa dheeman u qarsoonaa sannado badan. Balse wakhtigan aanu la wadaagnay lammaanahayaga cusub CPC, oo ah shirkad Taiwan laga leeyahay.
Mr. Adams ayaa sheegay dabayaaqada 2023, ay bilaabi doonaan qoditaanka ceel shidaal baadhiseedkii u horreeyey taariikhda Somaliland muddo 30 sannadood ah.
Agaasimaha Farsamada Adams ayaa intaa ku daray, in goobaha la sahamiyey ee Somaliland yihiin kuwo aad loo filayo, oo leh dhagxaan la nooc ah kuwa Yemen ee wax-soo-saarka leh. Waxa aannu dareen weyn ka qabnaa in xiddiguhu isku si yihiin guud ahaan Somaliland iyo mashruucan gaar ahaan iyadoo faa’iidooyinka dabiiciga ah qaarkood ay barbar socdaan.
Agaasimaha Farsamada ee Genel Energy, Mike Adams oo booqasho ku yimi Somaliland dhammaadkii sannadkii hore, ayaa 20-kii Dec 2021 sheegay “Somaliland waa gobol si heer sare ah loo saadaalinayo oo inta badan aan sahamin lagu samayn, isla markaana soo jiidasho leh. Rajada la bartilmaameedsan karaa waa in ka badan nus malyuun foosto,” ayey tidhi shirkadda Genel Energy.