Qoraal Xildhibaannada Jamhuurigu u direen Biden oo khuseeya Somaliland

USA-(Berberanews)-Lix xubnood oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Jamhuuriga oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddigaas iyo Xubno kale, ayaa maanta si wada jira qoraal rasmiya ugu diray Maamulka Madaxweyne Biden, gaar ahaana Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mr, Blinken, taasoo ay kaga dalbanayaan in aad loo xoojiyo wax wada qabsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada xidhiidhka diblomaasiyadeed, Dhaqaale iyo ammaanka ee labada dal.

Waxa ay intaa ku dareen Xildhibaannadu in Somaliland ay ku taal goob Istraatiji ah dhacda Badda gacanka Cadmeed, isla markaana la dagaallamay argagixisada, Budh-cad Badeedda iyo arrimaha kale ee nabadgalyada Gobolka, Cilaaqaadna ka dhexeeyo dalka Taiwan, lehna dhaqaale soo koraya, ayaa waxay sheegeen Mudanayaashu inay lagama maarmaan in Mareykanku wax la qabsado JSL.

Mudanayaasha lixda ah ee ka tirsan Kongareesku waxa kale ay daaha ka rogeen xaaladaha ka taagan Gobolka Geeska Afrika sida, dagaallada ka socda Itoobiya, Suudaan oo afgembi Millateri xukunka lagula wareegay iyo dib u-dhaca doorashooyinka Soomaaliya, qaska, qalalaasaha iyo dagaallada ka socda oo iyana sii holcinaya xaaladda iyo dhaqdhaqaaqyada dagaal ee Al-shabaab ka wadaan Soomaaliya, ayey Mudanayaashu sheegeen in dhammaan arrimahaas ay lagama maarmaan ka dhigayaan in Mareykanku uga fikiro caqabadaha jira danihiisa Istraatijyadeed.

Waxa kaloo ay Lixda Xildhibaan ee Xisbiga Jamhuuriga iyo xubnaha kale daboolka ka qaadeen in Somaliland ay 30kii Sanno ee u dembeeyey lahaayeen Maamul madaxbannaan oo shaqeynaya sida laamaha amniga, Nidaam maamul oo dhaqaale, xidhiidho Ganacsi oo ay la leeyihiin sida dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kiiniya,  iyo mid diblomaasiyadeed. Waxa kaloo ay intaas ku dareen  inay  dalal kale oo ay ka mid yihiin  Boqortooyada Ingiriiska, Turkiga, Midowga Yurub iyo Imaaraadka Carabtu Wakiillo u metalaya dalalkooda u fadhiyaan Caasimadda JSL ee Hargeysa.

Intaa waxa ku sii ladheen in maalgashiga ballaadhan ee Shiinuhu ka wada dalka Jabuuti ay dheelitir fiican u tahay Somaliland oo ah dal Dimoqraadiya oo si aad uga dhego-adaygay wax la qabsiga Shiinaha,iyagoo geesta kalena ka muujiyeen Mudanayaashu welwel ay ka qabaan ku sii joogitaankooda Saldhiga ay ku leeyihiin Jabuuti tan iyo intii Dalka Shiinuhu 2017kii Saldhigga weyn ka samaysteen Lemonnier oo Sideed Mayl oo qudha u jirta Saldhigga Mareykanka ee Jabuuti , waxayna intaa raaciyeen in waxyeelo ka timid dhinaca  Saldhigga Shiinaha ay kasoo gaadhay laba Duuliye oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka.

Xildhibaannadaas Maraykanka ahi waxay  ay si cad ugu sheegeen qoraalka ay gudbiyeen Maamulka Madaxweyne Biden, in maadaama ay ahmiyadda koowaad ee Mareykanku tahay xoojinta Dimoqraadiyadda, ay Somaliland tahay dal awood u leh inuu hanto deganaanshiihisa,  xasiloonidiisa, kana go’an tahay inuu ku dhaqmo nidaamka Dimoqraadiyadda isagoo sannadkii 2021ka qabtay laba doorasho oo isa saaran oo ku dhammaaday si xor iyo xalaala, taasoo ay markhaati kaceen goob joogayaal badan oo Caalamiya oo ay kuwa Mareykanku ku jiraan, isla markaana ay doorashadaasi   ahayd tii ugu horreysay nooceeda ah ee dadka codaynayey la mariyey qaabka aan waxba lays daba-marin karin ee Biometeric, sidaa awgeedna waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in tallaabadaas lagu abaalmariyo Somaliland.

Waxa ay xildhibaannada Lixda iyo xubnaha kaleba kusoo gabogabeeyeen qoraalkooda, in iyadoo laga shidaal qaadanayo, maskaxdana lagu hayo horumarkaa ay Somaliland ka samaysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, ayaa waxa ay ku adkayeen Maamulka Madaxweyne Biden in la kordhiyo xidhiidhka Madaxda Somaliland iyo sidoo kale cilaaqaadka diblomaasiyadeed sida Socdaallada, sidoo kalena ahmiyadda kowaad la siiyo in Mareykanku Hargeysa ka furto Xafiis  Wakiil ka ah Mareykanka oo saldhigiisu noqdo Hargeysa.