MARAYKANKA iyo Somaliland oo kala saxeexday heshiisyo millatari iyo dhaqaale

USA-(Berberanews)-Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan kulanka galabnimada maanta, ayaa weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muse Bihi Abdi iyo Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Hay’adda USAID, ayaa waxa ay kala saxeexeen heshiisyo dhinacyo badan.

Heshiisyada maanta ayaa waxa ugu horreeyey iskaashiga amnaanka iyo dhaqaalaha.

Wararka ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Bihi uu kulan gaar ah la yeeshay Molly Phee oo ah Madaxa Xafiiska Afrika ee Maraykanka.

Kulanka labaad waxa wadahadlay Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi oo kaliya iyo saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Gaashaanshigga Maraykanka, iyo sidoo kale, saraakiil ka tirsan Taliska Ciidammada Afrika ee loo yaqaan Members of Africa Command.

Kulanka labaad, waxa saxeexay Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi iyo Ku Xigeenka Madaxa Ciidammada Maraykanka u jooga Afrika Kirk W.Smith.

Kirk W.Smith waxa uu sheegay in si toos ah ay u wada shaqayn doonaan, isna kaashan doonaan ciidammada Maraykanka iyo Ciidammada Qalabka Sida ee Somaliland, iyadoo hawshoodu noqon doonto la dagaallanka argagaxisada iyo ilaalinta badaha.

Tani waxa ay noqonaysaa markii ugu horreysay ee uu Maraykanka uu si toos ah ula shaqeeyo Ciidammada Ammaanka Somaliland ee la dagaallanka argagaxisada iyo ilaalinta badaha.

Warmurtiyeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka iyo sidoo kale, xubno ka tirsan taliska Afrika ayaa lagu caddeeyey in wada- shaqayn toos ah ay yeelan doonaan Ciidammada Maraykanka iyo Ciidammada Somaliland, iyada oo ay sheegeen in si adag loo adkayn doono ammaanka xeebaha Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka maanta u qaabilsan Afrika, ayaa lagu shaaciyey kulanka maanta dhexmaray Madaxweyne Bihi iyo madaxda Maraykanka.
Iyadoo Molly Phee oo ah Kalkaaliyaha Arrimaha Dibadda u qaabilsan Afrika ay sheegtay in ay qaabilayaan Madaxweynw Bihi, iyada oo aan laga bixin xayndaabka Soomaaliya, ayaa sarkaal sare oo u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka uu sheegay in Soomaaliya aan lagu soo qaadin kulanka, sidoo kale aanay ku jirin heshiiska.
Sarkaalka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay in marka kaliya ee la soo qaaday Soomaaliya, ay ahayd waqti la weysiiyey madaxweyne Bihi haddii uu joojiyey wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu markaas ku jawaabay Madaxweyne Bihi in aanay doonayn in ay sii wadaan wadahadalka Soomaaliya, ayna tahay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo dhulka Somaliland.

Heshiisyada degdegga loo fulinayo ee qayb ka ah wadahadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland  waxa ka mid ah in la cusboonaysiiyo Laanta Socdaalka Maraykanka (Travel Advice and Advisories for United States) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, si laamaha socdaalka adduunka loogu sheego iyo khadadka internetka iyo warbaahinta caalamka in Somaliland ay tahay waddan aad u nabdoon oo loo safri karo, amnaankeeduna uu sarreeyo.

Inkasta oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Guriga Cad aanay sheegin wax ku saabsan aqoonsi, ayaa haddana ballanqaadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (Pentagon), saxeexa iyo heshiisyada ay la galeen Madaxweyne Bihi, ayaa waxa ay ka tarjumaysaa is- badal siyaasadeed oo ballaadhan, oo ay la timid dawladda Maraykanka, sida Waaxda Fulinta Sharciyada, oo dhinaca Somaliland la jaanqaadi weyday xubnaha Koongreeska Maraykanka (U.S Congress).
Heshiiskan cusub ayaa u eg heshiiska uu wax ka beddelka uu ku doonayey Senator Risch, heshiiskaas oo aan la ansixin, ayaa u eg in maanta dawladda Maraykanka oo isku duuban ay aqbashay.