Addis Ababa: 7 qof oo isku qoys ah oo ku dhintay shil baabuur

Addis Ababa-(Berberanews)-Toddobo dumar ah oo qaraabo qoys Eriteriyaan ah, oo sii sagootinayay qof rakaab u socday garoonka caalamiga ah ee Bole una socotat dibadda, ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Addis Ababa Sabtidii 12-kii March, sida ay sheegtay BBC Amxaari.

Waxa isku gaadhi saarnaa kow iyo toban qof oo qoyska ka mid ah ahaa oo ka yimi guryaha is-kaashatada ee Gelan una socday Airpot Bole Airpot si ay u arkaan xubinta qoyska oo ay la socdeen caruurteeda, sida uu sheegay Guddida Dab-damiska iyo Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee magaalada Addis Ababa.

Caruurta ayaa ka bad baaday shilkaasi balse waxaa la dhigay isbitaalka oo ay kasoo kabanayaan dhaawacyadii soo gaadhay.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen baska yar ee ay saarnaayeen 11-ka qof ee rakaabka ahaa iyo gaadhi jabay oo la dhigay wadada  garoonka diyaaradaha ee Bole, waxaana shilkan ku dhintay 7-da haween ah.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa gabadhii u safraysay dibadda, hooyadeed oo ka timid Asmara, iyo xubno kale oo qoys ah.

Sida uu sheegay Nigatu Mamo, khabiirka xidhiidhka dadwaynaha ee Komishanka Maaraynta Khatarta Dabka iyo Musiibooyinka, waxay ku qaadatay jawaabta koowaad in ka badan saacad iyo 20 daqiiqo inay maydadka ka soo saaraan baska yar oo si xun u burburay.

Negatu waxa uu xasuustay shilal dhowr ah oo hore uga dhacay aagga, hal askari oo bilays ah ayaa horay looga dilay. Booliiska ayaa baadhaya shilkii ugu dambeeyay sababta saxda ah.