Sanad ka dib, markab kale oo shil la mida Evergreen ku galay Maraykanka

USA-(Berberanews)-Hal sano ka dib markii markabkii Ever Given ee konteenarrada ahaa uu ku caariday kanaalka Suez, markab ay mattaano yihiin ayaaa xaalladii oo kale kala kulmay – gobolka Maryland ee Maraykanka.

Saraakiisha maxalliga ah ayaa sheegay in Ever Forward uu ka amba-baxay dekedda Baltimore habeenimadii Axadda isagoo ku sii jeeday Norfolk, Virginia, laakiin uu istaagay Chesapeake Bay.

Markabkan oo dhererkiisu yahay 1,096 cagood ayaa waxa uu marayey waxa loo yaqaano kanaalka Craighill, kaas oo qotonkiisu yahay ilaa 50 cagood (15m).

Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadlay Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa sheegay in markabku uu u safray meel ka baxsan kanaalka oo uu galay biyo 25 fiit (7.5m) qotonkoodu yahay.

Ilaalada xeebaha ayaa hadda baadhaya sida ay ku timid in dhulka uu galo waxayna la shaqeyn doonaan kooxda badbaadada si ay markabka ugu jiidaan meel nabdoon.

Ma jiraan wax dhaawac ah, daatay ama waxyeello ah oo soo gaadhay Markabkan

Maraakiibta u dhow ayaa laga codsaday inay gaabiyaan oo ay ku socdaan taraafikada hal dhinac ah marka ay ag marayaan markabka taagan.

Labada markab Ever Forward iyo Ever Given labadaba waxaa iska leh shirka Taiwanese.

Ever Given waxay ku dhexjirtay marinka Suez Canal lix maalmood taasoo keentay kacdoonka xannibaadda maraakiibta ee aduunka.