Ugu yaraan 17 qof oi lagu dilay weerar ka dhacay dalka Sudan

Sudan-(Berberanews)Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay Jebel Moon oo ka tirsan gobolka Darfur ee dalka Suudaan.

Waxaa lagu eedeeyay koox maleeshiyo ah, sida ay ku warameen dadka deegaanka.

Afar tuulo ayaa sidoo kale la gubay.
Rabshadaha ayaa billowday subaxnimadii Khamiista waxayna socotay saacado, sida laga soo xigtay Adam Regal, afhayeenka hay’adda u qaabilsan qaxootiga iyo barakacayaasha Darfur, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Waxaa loo maleynayaa in weerarka uu ka dhashay isku dhacyo dhex maray Carabta iyo kuwa aan Carabta ahayn, sida ay sheegtay isla wakaaladdu. Waxay daba socotaa weerar kan la mid ah oo ay ku dhinteen 16 qof horraantii toddobaadkan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.