Pakistan oo India ka dalbatay baadhitaanka gantaal kusoo dhacay dhulkeeda

Pakistan-(Berberanews)-Pakistan waxa ay sheegtay in ay tixgelisay hadalka India ee ku saabsan “shilks aan ku talo galka ahayn” ee gantaalka lagu soo riday dhulkeeda, iyada oo dalbanaysa baadhitaan wadajir ah “si sax ah loo ogaado xaqiiqooyinka ku xeeran dhacdada”.

“Dabeecadda halista ah ee dhacdadu waxay dhalinaysaa dhowr su’aalood oo aasaasi ah oo ku saabsan borotokoolka amniga iyo ilaalinta farsamada ee ka hortagga shilalka ama gantaalaha aan la fasixin ee jawiga nukliyeerka ah,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay hadal ay soo saartay Sabtidii, iyadoo raacisay in Hindiya ay tahay inay bixiso sawir cad oo ku saabsan duruufaha keenay in gantaalka la rido

“Waa maxay sababta India ay ugu fashilantay in ay si degdeg ah ugu wargeliso Pakistan wax ku saabsan gantaalka shilka ah ee lagu riday oo ay sugto in ay qirato ka dib markii Pakistan ay ku dhawaaqday dhacdada oo ay raadsatay caddayn?”

Islamabad waxay kaloo weydiisay New Delhi “inay sharaxdo haddii gantaalka ay runtii gacanta ku hayeen ciidamadeeda hubaysan ama qaar ka mid ah canaasiirta”.

Saraakiisha Pakistan ayaa goor sii horeysay sheegay in gantaalka uu ahaa mid aan hubeysneyn, waxaana uu ku dhacay meel u dhow magaalada bari ee dalkaasi ee Mian Channu, oo qiyaastii 500km (310 mayl) u jirta caasimadda Islamabad.

New Delhi waxa ay qiratay jimcihii in cilad farsamo oo ku jirtay intii lagu jiray dayactirka caadiga ah 9-kii bishii March ay sababtay in la rido mishiinka.

Berberanews.com